Accessibility links

Breaking News

Haweenka, nabadda iyo ammaanka


Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

31-kii October sanadkii 2000, yay qaramada midoobay soo saareen qaraar lambarkiisu yahay 1325, kaasi oo macnihiisu ahaa in wadamda xubaha ka ah qaramada midoobay ay hirgaliyaan iyagoo hoos u eegaya saamaynta taban ee dagaalada iyo colaadaha hubaysani ku yeeshaan haweenka iyo hablaha yar yar.

Waxanu qaraarkaasi si cad u qeexayay in iyadoo si ixtiraam leh loo eegayo haweenka lagu daro hawlaha wax lagaga qabanayo xaaladda saameeya dumarka iyo hablaha yar yar.

Si loo qaado talaabooyin muuqda oo lagu ilaalinayo isla markaana jawaab lagaga bixinayo xadgudubyada loo gaysanayo haweenka iyo hablaha, ee ay ka mid yihiin fallalka kufsiga , iyo xadgudubyada jinsiga ku salaysan, iyo barakicinta, ku dhacda dagaalada kadib.

Maanta oo ay 22 sanadood ka soo wareegeen markii la soo saaray qaraarka 1325, waxa muuqata in aanay wali haweenku kaalin ku lahayn hawlaha nabadaynta iyo geedi socodka xal loogu helayo colaadaha iyo goobaha talada lagu gooyo.

Waxaanay xaaladda haweenku mudadaasi dheer noqotay mid aad u nugul oo dhibaatooyin badani soo gaadhaan, tacadiyo si aan cadaalad ahayn ugu dhaca, iyo in si toos ah loo beegsado haweenka iyo hablaha yar yar.

Iyadoo aan sidoo kale Laga qayb galin,qorshe yaasha dib u dhiska, dib u midaynta, dib u heshiisiinta dadkii colaadaha ku kala fogaaday, iyo go’aamada dib u habaynta talooyinka colaadaha kadib.

“Waxaanu aragnaa dhacdooyin isku mid ah oo dunida ku soo noq noqda, kuwaasi oo u badan meelaha ay colaaduhu ka jiraan,” Sidaasi wax tidhi danjiraha Maraykanka u fadhida qaramada midoobay
Linda Thomas-Greenfield,

Waxaanay hadalkaasi ka sheegtay shirkii golaha amaanka ee qaramada midoobay ee lagaga hadlayay xaaladda haweenka ee nabad gelyada iyo amaanka.

"Hadda waxaan wajahaynaa waqti muhiim u ah Haweenka, Nabadda, iyo qorsheyaasha amniga. Adduunka oo dhan, haweenka iyo gabdhuhu waxa ay halis ugu jiraan iskahorimaadyo hubaysan iyo maamullo cabudhin ku haya. Iyadoo ay u dheertahay saamaynta cimilada iyo khatarta faqriga. Waxana kor u sii kacaya hanjabaadda afduubka, jirdilka, dilka, iyo xadgudubyada ku saleysan jinsiga.

Hogaamiyaasha haweenka, difaacayaasha xuquuqul insaanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa hawlaha bani aademi nimo ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsadaa hanjabaadaha iyo dhibaataynta iyo xadgudubka ayaa u dheer.

Waxay inta badan lagu kacaa ololeyaal la isla dhex marayo oo loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu sumcad-xumeeyo ama lagu aamusiyo baaqyadooda nabadeed.”

"Danjire Linda Thomas Greenfield. Aaaa into ku dartay "Qorshahayagu waa inaan ka dhigno aragtidan mid dhab ah. Ma aha oo kaliya hadal, laakiin waxa loo baahan yahay, icil.”

"Waa inaan sare u qaadnaa hoggaaminta haweenka, hadday tahay tuulooyinkooda, hadday tahay caasimadohooda, ama hadday tahay masraxyada caalamiga ah, anagoo shan haween ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka waxaanu halkan ku dhiirigelinayna dumar kale oo badan oo maanta dunida daafeheeda nagala soda.

"Waxaan u baahannahay inaan sameyno xilligan xasaasiga ah si aan isugu duubnaano bulsho ahaan caalamka in aan maanta oo keliya u xidhano midabka pink-ka taasoo calaamad u ah taageeradayada balse aan kor u qaadno codkayaga;

Codkeenna kor u qaad si aan u dalbanno isbeddelka aan ognahay in haweenka adduunku ay u baahan yihiin,”ayay tidhi danjire Linda Thomas-Greenfield.

"Waa inaan u sameynaa gabdhaha, iyo haweenka, iyo nabadda iyo amniga ay dunida u keeni doonaan, laakiin sidoo kale nabadda iyo amniga ay u baahan yihiin inay ka helaan adduunka."

XS
SM
MD
LG