Accessibility links

Breaking News

Maalgelinta amniga biyaha


USAID logo
USAID logo

Tani waa Faallo ka turjumeysa aragtida Dowlada Mareykanka.

Saamaynta biya la’aanta lama soo koobi karo. Biyo yaridu waxay keentaa hoos u dhaca wax soo saarka beeraha iyo cunada, waxayna u horseedi kartaa hoos u dhac dhaqaale, iyo hoos u dhac ku yimaada caafimaadka dadka maadaama nadaafadda iyo nadiifinta aasaasiga ah ay adag tahay in la ilaaliyo haddii biyuhu ay gabaabsi yihiin. Khayraadka biyaha oo kooban ayaa keeni kara khilaafyo gobolka ka dhaca iyo xataa iskahorimaad hubaysan.

Ku xigeenka madaxa maamulka USAID Isobel Coleman ayaa tiri “i Runtii, Biyuhu waxay u adeegi karaan sidii hub dagaal, sida aan ku soo aragnay Ukraine halkaas oo kaabayaasha biyaha la burburiyey, taasoo ka dhigaysa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan kuwa waaya adeegyadii muhiimka ahaa,"

Iyadoo ku shaqaynaysa USAID, dawladda Maraykanku waxay ku maalgelisaa xaqiijinta helista biyaha ee caalamiga ah ee qaar ka mid ah bulshooyinka ugu biyaha liita adduunka.

Coleman ayaa tiri "Waxaan caawinay ku dhawaad 60 milyan oo qof inay helaan biyo nadiif ah oo la cabbo iyo 44 milyan oo qof inay helaan fayadhowr la isku haleyn karo, in ka badan kala bar waxa ay ahaayeen haween iyo gabdho."

Coleman ayaa intaas raacisey “Laakin ka hey’ad ahaan, waxaan aqoonsannahay in maalgashigeena ay tahay in hore loo sii wado oo la balaariyo si aan u gaarsiinno isbedello waara. Laba bilyan oo qof ayaa weli laan heysan biyo nadiif ah oo la cabbo, iyadoo farqiga ugu weyn u dhexeeyo dadka saboolka ah iyo kuwa miyiga ah."

Qorshaha Mareykanka ee Biyaha Caalamiga ah waa hanaanka koowaad ee lagu dajin karo Qorshe Hawleedka Amniga Biyaha Caalamiga ah ee Aqalka Cad, oo uu bilaabay Maamulka Biden bishii June. Marka loo eego Istaraatiijiyada Biyaha Caalamiga ah, dawladda Maraykanku waxay ka shaqeysaa horumarinta caafimaadka, barwaaqada, xasilloonida, iyo adkeysiga meelaha aadka loogu baahan yahay.

Dhawaan, Dowladda Mareykanka ayaa soo bandhigtay qorshaha Biyaha Caalamiga ah ee 2022 ilaa 2027. Qaybteeda qorshahan, USAID waxa ay ka shaqayn doontaa sidii 22 milyan oo qof oo dheeraad ah loo gaadhsiin lahaa biyo nadiif ah oo la cabbo, iyo 22 milyan oo kalena nadaafadda, ayey tiri ku xigeenka maamulka ee USAID Coleman.

Barnaamijkan ayaa lagu bartilmaameedsanayaa dadka aan waligood helin biyo iyo nadaafad. USAID waxay fulin doontaa qorshaheeda iyadoo xoojineysa awoodda hay'adaha bixiya kana mas'uulka ah bixinta adeegyo tayo sare leh, oo loo siman yahay, iyo u adkeysiga cimilada.

“Waxaan dooneynaa inaan xoojino 1,000 hay’adood oo amniga biyaha ah; iyo in la abaabulo hal bilyan oo doollar oo loogu talagalay biyaha iyo nadaafadda,” ayay tiri Coleman.

Maalgelinta Maraykanka ee noocan oo kale ah waxay suurtogal ka dhigeysaa in la beero cunto si loo quudiyo adduunka, loona sameeyo ganacsiyo, iyo in la ilaaliyo caafimaadka dadka, ayey tiri ku xigeenka maamulaha USAID Coleman.

"Waxay kor u qaadaan dimuqraadiyadda, iskaashiga, iyo nabadda. Shanta sano ee soo socota, USAID waxa ay rajaynaysaa in ay si wada jir ah uga shaqeyso si loo horumariyo helista biyo la isku haleyn karo dhamaan dunida.”

XS
SM
MD
LG