Accessibility links

Breaking News

Abaal-marin lagu bixinayo akhbaar la xiriira Cali Maxamuud Raage


Cali Dheere
Cali Dheere

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaadhaysa 5-milyan oo doollar ugu baaqday inay siinayso ciddii keenta xog lagu heli karo macluumaadka iyo goobta uu joogo Cali Maxamuud Raage oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Abaalmarinta waxaa bixinaysa Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ama barnaamijka RFJ, loo yaqaano.

Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaano Cali Dheere, waa nin u dhashay dalka Soomaaliya, wuxuuna ku dhashay magaalada Muqdisho qiyaas ahaan sanadkii 1966-kii, waa hogaamiye muhiim u ah Al-Shabaab, xubinna ka ah golaha shuurada, sidoo kale wuxuu ahaa afhayeenka kooxda argagixisada tan iyo bishii May ee sanadkii 2009. wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerarrada ka Dhaka badi Kenya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah weeraro argagixisanimo oo marar badan lagu qaaday Kenya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Kooxdan argagixisada ahi waxay sii waddaa qorshaynta, iyo shirqoolka ay ku doonayaan inay geysataan falal argagixiso oo ka dhan ah Maraykanka, danaha Maraykanka, iyo sidoo kale xulafadiisa iyo saaxiibada shisheeye.
Mudo haatan laga joogo 19 bilood ka hor Raage waxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku u aqoonsatay Argagixiso caalami ah oo si gaar ah loo raadinayo.

Talaabadani waxay ka dhigan tahay in dhammaan hantida maraykanku galaan gal u leeyahay laga yaabo inuu lug ku leeyahay la xanibayo oo dadka Mareykanka guud ahaan laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la sameeyaan cid isaga xidhiidh la leh.

Bishii February ee sanadkii 2022, Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabateynta Soomaaliya ayaa Raage ku daray liiska cunaqabateynta sida waafaqsan farqada 43 (a) ee qaraarka 2093 ee ku lug lahaanshaha ama bixinta taageerada falalka khatarta ku ah nabadda, amniga ama xasilloonida Soomaaliya.

Hadaba haddii uu jiro qof xog ka haya halka uu ku sugan yahay Cali Maxamuud Raage, fadlan kala xidhiidh waaxda Abaalmarinta Caddaaladda maraykanka xadigoo adeegsanaya, Telegram, ama WhatsApp +1-202-702-7843 adduunka oo dhan, ama +254 71 87 12 366 gudaha Kenya iyo +252 68 43 43 308 gudaha Soomaaliya. Dhammaan xogtaada iso macluumaadkaba waxaa lagu hayn doonaa meel adag. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan abaal-marintan waxa laga heli karaa bogga Internetka ee Abaalmarinta Caddaaladda.
www.rewardsforjustice.net.

Dhammaan warbixinnada lagu kalsoonaan karo waa la baadhi doonaa waxaana aqoonsiga dhammaan xog-bixiyeyaasha lagu hayn doonaa sir.

XS
SM
MD
LG