Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Qiyaastii boqolkiiba afartan dadka adduunku waxa ay ku nool yihiin meel 100 kilomitir (60 mayl) u jirta badda. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada xeebaha ah, ayay noloshoodu ku tiirsan tahay badda, khaas ahaan kalluumeysiga, gaadiidka, dalxiiska iyo qeybaha madadaalada.
Dhab ahaantii, badda ayaa ah mishiin muhiim u ah dhaqaalaha caalamka. Laakiin maanta waxaa haysta dhibaato aad u daran, oo inta badan ay sabab u tahay hawlgallada bani’aadamka ee hoos u dhigaya hab nololeedka badda. Wasakhowga, kalluumaysiga xad-dhaafka ah, isbeddelka cimilada iyo luminta deegaannada xeebaha ayaa dhammaantood waxyeeleynaya caafimaadka badda. Marka uu badda dhib ka dhaco, sidaasi oo kale waxaa ay dhibaatadaasi gaareysaa dadka ay noloshoodu badda ku tiirsan tahay.
Mareykanku waxa uu taageerayaa dhaqaalaha buluugga ah ee joogatada ah (blue economy) oo ah fikrad cusub oo dhiiri-gelinaysa adeegsiga kheyraadka badda ee kobaca dhaqaalaha, hagaajinta hab-nololeedka, iyo shaqooyinka, iyadoo isla-waqtigaasna loo ilaalinayo caafimaadka hab-nololeedyada badda ee jiilalka mustaqbalka.
“Dhaqaalaha buluuga ah waa kan gacan ka gaysta ilaalinta badda, laakiin sidoo kale taageera shaqooyinka, kuwaasi oo ka dhasha howlaha badda,” ayuu yiri Jose Fernandez oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Kobaca Dhaqaalaha, Tamarta, iyo Deegaanka.
“Dhaqaalaha buluuga ah waa mid taageera kalluumeysiga, laakiin sidoo kale taageera hawlaha dhowrista badda. Dhaqaale ku xisaabtama bulshooyinka ka faa'iideysanaya kalluumeysiga, laakiin sidoo kale fahamsan in si aan howlahaasi u sii wadno, aan ilaalinno badda.”
Xoghaye Fernandez ayaa yiri “mid ka mid ah mashaariicda aan aad ugu faraxsanahay waa iskaashiga aan la leenahay afar waddan oo ku yaal Latin Ameerika.”
“Waxa aan iskaashi la galnay Costa Rica, Panama, Colombia iyo Ecuador si aan u caawino… badahooda loo dhowro, … Costa Rica, ilaa Galapagos. Taasina waa 500,000 kilomitir oo isku wareeg ah. Annaguna, waxa aan ka caawineynaa… ka hortagga kalluumaysiga sharci-darrada ah, kalluumeysiga aan laga warheyn iyo kan aan oggolaanshaha haysan, iyo in aan eegno habab aan ku hubinno in deegaanka badda uu noqdo mid loo ilaaliyo jiilasha soo socda.”
“Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) ayaa ku qiyaasay qiimaha ka ganacsiga badda in uu labanlaabmi karo marka la gaaro 2030-ka, uuna noqon karo ilaa $3 tirilyan oo doollar,” ayuu yiri Xoghaye Fernandez. “Taasi waxa ay dhici doontaa oo kali ah [haddii] aan awoodno in aan ilaalino badaha oo aan awoodno in aan nidaaminno kalluumeysiga oo aan la shaqeyno bulshooyinka… oo aan ka caawinno in ay fahmaan in ay faa’iido isi saaran labadaba u leedahay in kheyraadka badda laga faa’iidaysto laakin sidoo kale la ilaalin karo caafimaadka badda.”