Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka
Mareykanku waxa uu si aad ah uga shaqeynayaa in laga hortago in macluul ay ka dhacdo Geeska Afrika.
“Hadda, duufaanno musiibooyin ah ayaa kuwa nugul ka dhigay malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika,” ayay tiri Danjiraha Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.
“Abaar daba dheeraatay, ayaa uga sii dartay cunno-yarida. Daadad ka dhashay roobkii dhowaan da’ay ayaa baabi’iyay dhammaan guryaha iyo nolosha. Colaadaha dalalka deriska ah ayaa sidoo kale saameyn daran ku yeeshay dadka nugul, oo ay ku jiraan kuwa gudaha dalka ku barakacay iyo qaxootiga.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ku dhowaad 32 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa si aad ah ugu baahan gargaar naf-badbaadin ah iyo mid joogto ah. Dhamaadkii bishii May, Qaramada Midoobay oo ay wehliyaan dowladaha Maraykanka, Talyaaniga, Qatar, iyo Ingiriiska, ayaa qabtay kulan ballaaran oo heerkeesu sarreeyay oo lagu taageerayay wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimo ee Geeska Afrika, ujeeddaduna waxa ay ahayd in la aruuriyo ilaa 7 bilyan oo doollar oo loogu talogalay in lagu gargaaro saddexdan dal.
“Duni ay ka buuxdo cunno, ma ahan in marnaba ay bulshooyin dhan ay noqdaan kuwo gaajo u dhimanaya,” ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.
“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in Maraykanku uu ku bixin doono ku dhowaad 524 milyan oo doollar oo gargaar dheeri ah kaasi oo wax looga qabanayo baahiyaha bini’aadanimo ee Geeska Afrika. Ku dhawaaqista maanta waxa ay ka dhigeysaa wadarta guud ee gargaarka bini’aadannimo ee Maraykanka uu ku bixiyay dadaallada gurmadka lacag ka badan 1.4 bilyan doollar miisaaniyadda sanadka 2023-ka.”
Iyadoo ay taasi jirto ayay Danjire Thomas-Greenfield carrabka ku adkeeysay in ka hortagga macluul ku soo fool leh qeybo badan oo ka mid ah Geeska Afrika ay tahay mas’uuliyad wadareed. “Tani waa dhibaato caalami ah oo u baahan dhammaanteen… Laakiin waxa aan rabaa in aan caddeeyo: bulshada caalamku waqtigan ka hortaggeeda wax badan kama aysan qaban.”
“Dadaallada wax ka qabashada bini'aadannimo ayaa ah kuwo aan si weyn loo maalgelin, taasi oo inta badan ka dhigaysa helitaanka gargaarka mid aan la saadaalin karin. Iyadoo aan si buuxda wax looga qaban gargaarka bini'aadannimo, ayay taasi nooga tagtaa in aan ka jawaabno musiibo, gaar ahaan kuwa uu sababo.”isbaddalka cimilada.”
“Waxa aan leenahay awood aan kaga hortagno macluul soo socota; dumarka iyo carruurta oo laga daweeyo nafaqo-darrada; la siiyo cunto, biyo, fayadhowr, adeegyo nadaafadeed, iyo daryeel caafimaad oo loo fidiyo kuwa ugu nugul; iyo in la daboolo baahiyaha kale ee muhiimka ah,” ayay tiri Ambassador Thomas-Greenfield. “Innaga oo ku jirna 2023-ka, ma jirto sabab aannaan gargaar ugu heli karin dadka sida daran ugu baahan”.