Accessibility links

Breaking News

Tunisia oo cadaadis uu saaran yahay


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Tunisia waxa ay la daalaa dhacaysa caqabado dhaqaale oo aad u daran, oo ay ka mid yihiin sicir barar, cunto yari, iyo shaqo la’aan sare.

Bishii Oktoobar 2022, Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka, IMF, iyo dawladda Tunisia ayaa ku isku raacey heshiis siin doona Tunisia $ 1.9 bilyan oo taageero IMF ah balse ku xiran shuruudo inay sameyso is baddalo dhowr ah.

Booqasadii bishii Juun ee Tuniisiya, hoggaamiyeyaasha Yurub waxay ku dhawaaqeen suurtagalnimada taageero lacageed oo kaalmo dhaqaale ah Tunisia: taas oo ah deyn ka badan 1 bilyan oo Yuuro.

Midowga Yurub iyo Tunisia ayaa ku heshiiyey in ay ka wada shaqeeyaan xirmo iskaashi kaas oo daboolaya dhinacyada ganacsiga, tamarta, socdaalka, iyo xiriirka dadka.

Rajada ayaa ah in xirmadan oo kale ay sidoo kale ku dhiirigelin karto Tunisia inay u soo bandhigto qorshaha dib u habeynta IMF.

Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken: "Tani waa go'aan madax-bannaan oo Tuniisiya; maaha go’aan anaga iyo cid kale toona.”

"Laakiin way caddahay in Tunisia ay u baahan tahay gargaar dheeri ah haddii ay doonayso inay ka fogaato inay ka simbiririxato buuraha dhaqaale."

"Laakiin wax ka sii ballaaran - oo, go'aaminteenna, IMF ay sida ugu fiican u bixin karto - waxay muhiim u noqon lahayd inay dhab ahaantii ka caawiso Tunisia inay hesho waddo waara oo wanaagsan."

"Asal ahaan, dowladda Tunisia waa inay go'aanno ka gaarto sida ay rabto inay u socoto, waxaana rajeyneynaa inay jirto hab wax ku ool ah oo horay loo maro oo aan ku heli karno, haddii loo baahdo, dabacsanaan ku habboon.”

"Waxaan dooneynaa inaan aragno Tunisia oo guuleysata, waxaana dooneynaa inaan helno siyaabo aan ku bixinno taageerada lagama maarmaanka u ah guusheeda.

XS
SM
MD
LG