Tani waa Faallo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.
Waxaa jira caqabado badan oo ay Liibiya wajahaya iyada oo doonaysa in ay abuurto xaalado ku habboon doorashooyin. Mid ka mid ah kuwaas waa rabshado ka dillaacay gudaha Liibiya iyo guud ahaan gobolka, ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield:
"Cabashooyinka mudada soo jirey laguma xallin karo dagaal badan. Taasi aad bay u caddahay, xasilooni darada ku sii kordheysa meelo badan sida Sudan iyo Niger, kooxaha ka jira Liibiya waa in ay ka fogaadaan falalka soo dadajin kara rabshado kale oo sii balaarta”
Waddada kaliya ee hore loogu sii soconkaro ee dadka reer Libya u furan waa in la xoojiyo taageerada doorashada sida ugu dhaqsaha badan, ayuu ku booriyay danjire Thomas-Greenfield.
"Dhammaan dhinacyada - Golaha Wakiilada, Golaha Sare ee Dawladda, Dawladda Midnimada Qaran, Ciidanka Qaranka Liibiya, iyo Golaha Madaxtooyada - waxay u baahan yihiin inay isu yimaadaan si ay u sameeyaan tanaasulka lagama maarmaanka ah ee looga baahan yahay qabashada doorashooyinka."
Shacabka Liibiya waxay diyaar u yihiin isu-tanaasul keeni kara doorasho iyo xasillooni. "Si taas loo gaaro," ayey tiri Danjire Thomas-Greenfield, "waxaan u furannahay inaan taageerno sameynta dowlad ku-meel-gaar ah oo hawsheeda keliya ay tahay inay dalka ka qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah."
Marka la eego "maamulka dakhliga, waxaanu soo dhaweyneynaa mideynta Bankiga Dhexe iyo sameynta Guddiga Sare ee Maaliyadda," ayey tiri Ambassador Thomas-Greenfield. "Dadaalkan Liibiya ay hormuudka ka tahay wuxuu xaqiijin doonaa in hal dhinac aysan si gaar ah u maamulin kharashaadka dadweynaha. Waxayna gacan ka geysan doontaa in wax laga qabto cabashooyinka sharciga ah ee ku aaddan qaybsiga dakhliga loo siman yahay.”
Mareykanka waxaa dkale oo uu taageerayaa dadaallada lagu doonayo in meesha looga saaro ciidamada shisheeye, dagaalyahannada, iyo calooshood u shaqeystayaasha – iyo horumarinta dadaallada ku aaddan hub ka dhigista suurtagalka ah, ka saarista, iyo dib-isku-dhexgalka. "Horumarkii ugu dambeeyay ee dhismaha unug wadajir ah oo ilaaleynaya koonfurta waxay gacan ka geysan doontaa sugidda amaanka xuduudaha Liibiya iyo ka hortagga qulqulka gobolka," ayey tiri Ambassador Thomas-Greenfield.
Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu iftiimiyo saamaynta xun ee Kooxda Wagner ee Liibiya iyo guud ahaan Afrika, ayey tiri Ambassador Thomas-Greenfield.
"Aan caddayno halkaas, waddamada Wagner la geeyo gudaha dalkooda waxay isu arkaan kuwo liita, daciif ah, oo ammaan yar. Waxaan ku aragney Mali, Burkina Faso, Niger, iyo Sudan. Hoggaanka Wagner ma qarin hammigiisa ah in uu cago dheeraad ah ku yeesho Afrika, iyo sida uu u ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Liibiya."
"Dadka Liibiya waxay mudan yihiin isbeddel," ayey tiri danjire Thomas-Greenfield, "waxay mudan yihiin horumar, waxay mudan yihiin rajo. Waxayna ku xiran tahay hogaamiyayaasha Liibiya inay tallaabo qaadaan oo ay natiijada gaaraan.”