Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Markii saddexaad ayuu Nicolás Maduro gacanta u taagay xafladda dhaarta ee madaxweynaha Venezuela, isagoo weli sii wada in uu gacan adag ku maamulo shacabka Venezuela iyo hammigooda dimoqraadiyadeed.
Dhaarinta Maduro ayaa dhacday 10-ka Jannaayo, lix bilood ka dib doorasho ay inta badan goobjoogayaasha caalamiga ah qireen in ay ahayd mid lagu shubtay. Diiwaannada doorashada ee sida guud loo hayo ayaa muujinaya in hogaamiyaha mucaaradka Edmundo González uu guul weyn ka soo hooyay tartanka. González waxa uu ka tagay Venezuela bishii Sebtembar isaga oo musaafuris ugu maqan Spain ka dib markii la soo saaray amar lagu soo xirayo. Boqolaal qof oo reer Venezuela ah, oo ka dhiidhiyay natiijadii khiyaanada ahayd ee doorashada, ayuu maamulka Maduro xirxiray.
Si kastaba ha ahaatee, mudaaharaadyada ayaan joogsan. Maalin ka hor dhaarinta Maduro, boqollaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas iyagoo ka cabanaya awood la wareegista Maduro. Hoggaamiyaha mucaaradka ahna xildhibaan hore María Corina Machado ayaa lagu soo warramayaa in muddo kooban la xiray lana sii daayay intii ay socdeen howlgallada dadka lagu xakameynayay ee uu maamulku fuliyay.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken waxa uu caleema saarka Maduro ku tilmaamay mid “aan sharciyad lahayn.” Waxa uu qoray, “Shacabka Venezuela iyo duniduba way og yihiin xaqiiqda - Maduro waxa uu si cad ugu guul-darreystay doorashadii madaxtinimo ee 2024-kii, xaqna uma lahan in uu sheegto madaxtinimo.”
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in iyagoo garab istaagaya dadka reer Venezuela ay Mareykanka iyo saaxiibadiisa dunida oo dhan ay qaadayaan tallaabo. Tallaabooyinka Mareykanka waxaa ka mid ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay sare u qaadday lacagta abaal-marinteeda ilaa $25 milyan qofkiiba ciddii keenta xog horseedeysa xarigga iyo/ama xukunnada Maduro iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Diosdado Cabelo. Waxa ay sidoo kale ku soo rogeysaa xannibaado cusub oo dhinaca fiisaha ah shakhsiyaadka la safan Maduro dowrkooda ku aaddan wax u dhimista hannaanka doorashada ama ku lug yeelashadooda falalka caburinta ah.
Isla-mar ahaantaana, Waaxda Maaliyadda ayaa cunnaqabateyn saaraysa siddeed sarkaal oo reer Venezuela ah kuwaasi oo hoggaamiya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa amniga ee muhiimka ah oo awood u siinaya Maduro cadaadiskiisa iyo burburinta dimuqraadiyadda.
Saaxiibada Mareykanka, oo ay ku jiraan Canada, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa qaaday tallaabooyin isku mid ah si ay “u muujiyaan farriinta la jirka dadka reer Venezuela, ayna sare u qaadaan dadaallada caalamiga ah ee lagu sii wadayo cadaadiska la saarayo Maduro iyo wakiilladiisa,” Waaxda Maaliyadda ayaa ku qortay hadal ay si gooni ah u soo saartay.
Xoghayaha Arimaha Dibada Blinken ayaa ku dhaleeceeyay Maduro iyo wakiilladiisa in ay ku kaceen rabshado iyo cagajugleyn ka dhan ah mucaaradkooda siyaasadeed iyo shacabka Venezuela. Waxa uu ku baaqay in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in “dhammaan dadka reer Venezuela ay tahay in loo oggolaado in ay si nabad ah u soo bandhigaan fikradahooda siyaasadeed, oo ay ku jirto in ay adeegsan karaan xorriyadda isu-imaatinka nabdoon iyo ra’yi dhiibashada, iyagoo aan aargoosi ka cabsaneyn.”