Accessibility links

Breaking News

Maalinta Martin Luther King ee 2025


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Isniinta saddexaad ee January kasta, dadka Mareykanka ayaa sharfa xusuustii Dr. Martin Luther King, Jr. oo ahaa wadaad diineed ka soo jeeda gobolka koonfureed ee Alabama. Dr. King waxa uu ahaa hoggaamiye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah ee Mareykanka, isagoo u ololeynayay isbeddel bulsheed iyadoo aan la adeegsan rabsho. 15-kii Jannaayo ayuu noqon lahaa 96 sano jir.

Dalka uu Martin-kii da’da yaraa ku dhashay ayaa ahaa mid ay ka jirta kala soocid ku saleysan midab iyo takoor. Inta badan gobollada koonfureed waxaa lagu maamuli jiray waxa loogu yeero sharciyada Jim Crow, oo ahaa sharciyo maxalli iyo kuwo heer dowlad goboleed kuwaasi oo qeexayay islamarkaana dhaqan galiyay kala soocidda bulshada iyo dhaqanka dadka aan caddaanka ahayn.

Laakiin Dr. King waxa uu rumaysnaa soo jeedinta kitaabiga ah ee ah in dadka oo dhan uu Ilaahey u abuuray si siman. Isagoo ilaalinaya hal-ku-dhegga uu u doortay dhaqdhaqaaqiisa xuquuqda madaniga ah, waxa uu dejiyay “in uu soo celiyo ruuxda Ameerika."

Isaga oo aaminsan in “isbedelku uusan iska imaanin, laakin uu ku yimaado halgan joogto ah,” Dr. King waxa uu abaabulay oo ka qeybqaatay qaadacaad ballaaran, bannaanbaxyo fadhi ahaa, socod nabadeed iyo falal kale oo aan rabshad lahayn oo ahaa diidmada shacabka.

Dr. King waxa uu mar yiri “Qofka jabiya xeer uu damiirku u sheegay in uu xaq-darro yahay, islamarkaana si bareer ah u qaata ciqaabta xariga ah ee ka dhalaneysa si uu damiirka bulshada ugu wacyigeliyo caddaalad-darrada jirta, xaqiiqadii taasi waxa ay muujinaysaa ixtiraamka ugu sarreeya ee uu u hayo sharciga.”

Sidaas awgeed, dhaqdhaqaaqayaasha ayaa mararka qaarkood si bareer ah, laakiin nabad ah oo ixtiraam leh, u jebinayay sharciyada ujeedadoodu ahayd in la kala saaro muwaadiniinta caddaanka ah iyo kuwa aan caddaanka aheyn, iyagoo sidaas u sameynaya raja ah in ay dareenka dadka tusaan cadaalad-darrada ah uu sharciga sidaasi ah leeyahay.

Guulihii ugu waynaa ee Dr. King waxa ay keeneen in la ansixiyo Xeerka Xuquuqda Madaniga ah ee 1964-kii kaasi oo mamnuucaya takoorka shaqaaleysiinta, iyo kala soocidda goobaha dadweynaha ee caamka ah, iyo Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee 1965. Labadan guulood ayaan saameyn weyn ku yeelan Maraykanka oo keliya, balse saameeyay dunida oo dhan.

Dr. King ayaa mar yiri “Mugdiga mugi kale meesha loogama saari karo, iftiinka kaliya ayaa taas sameyn kara. Nacaybka nacayb kale ma lagu saari karo; jacayl uun baa taas samayn kara.” Erayadani waxa ay hagayeen shaqada noloshiisa, laakiin ugu dambeyntii, mid uu nacayb ku jiray ayaa naftiisa dhaafiyay isagoo da’diisu yar tahay. Waxa uu ahaa soddon iyo sagaal jir markii ay dishay rasaas uu dilaagu ku furay 4-tii April, 1968-kii.

Laakiin dhaxalkiisa ayaa sii jiray. Waqti ka dib, dhammaan sharciyada kala soocidda waa la tirtiray, takooridduna waa ciqaab sharci ah iyo danbi.

Nolosha Dr. King ayaa si fiican loogu soo koobay ereyadiisa: “Ma ahan cimriga oo dheer laakin tayada ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee nolosha qofka.”

XS
SM
MD
LG