Accessibility links

Breaking News

Suuriya waa in ay iska ilaaliso jilayaasha xun


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Labadii bilood ee ka soo wareegtay tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii-taliyihii Bashaar Al-Asad, Suuriya waxa ay heshay xasillooni. Dhammaadkii bishii Jannaayo, Axmed al-Sharca, Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, ayaa ku dhawaaqay in uu rajeynayo in xilliga ku meel gaarka ah ee ka horreeya doorashooyinkii ugu horreeyay, uu noqon doono saddex ilaa shan sano.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in muddadaasi ay dowladdiisu mudnaanta koowaad siin doonto sidii loo heli lahaa nabad-bulsheed iyo sidii looga daba-tagi lahaa dambiilayaashii ka tirsanaa dowladdii hore; dhamaystirka mideynta dhammaan dhulka Suuriya; dhisidda hay’ado dowladeed oo xooggan oo ku saleysan karti iyo hufnaan; iyo sal u dhigidda aas-aas dhaqaale oo xooggan.

Mareykanku waxa uu ka walaacsan yahay wiiqidda xasiloonida cusub ee Suuriya ee ay ku howlan yihiin kooxo qarbudaad wada oo shisheeye ah, sidaa darteed yoolkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Sharca ayaa si gaar ah ula jaanqaadaya rajada iyo filashada Mareykanka ee ku wajahan gobolka. “Waxaan rabnaa Suuriya oo u diida jilayaasha shisheeye ee sharta ah fursad ay uga faa’ideysan karaan kala-guurka Suuriya si ay u gaaraan yoolashooda,” ayey tiri ku-xigeenka Danjiraha Mareykanka ee Q.M, Dorothy Shea.

“Waxaan ka walaacsannahay warbixinnada sheegaya kooxo cusub oo Suuriya laga sameeyay kuwaasi oo hurinaya rabshadaha, oo ay ku jiraan iyagoo doonaya in ay u horseedaan Israel dagaal toos ah. Kooxahan ayaa lagu soo warramayaa in ay taageero maaliyadeed iyo mid sahayda ahba ka helayaan Iran, xitaa ka dib markii Iran ay ka baxday Suuriya.”

“Colaadaha hubeysan ee ka sii socda waqooyiga Suuriya ayaa sidoo kale ah mid walaac leh. Mareykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu raadiyo xabbad-joojin taasi oo u sahlaysa saaxiibadayada maxalliga ah in ay diiradda saaraan la dagaallanka Daacish iyo ilaalinta ammaanka xarumaha dadka lagu hayo iyo xeryaha barakacayaasha,” ayay tiri Danjire Shea.

“Tan iyo markii dhulka lagaga adkaaday Daacish, kaalmada Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaartay maareynta iyo sugidda xeryaha barakacayaasha ee Al-Hol iyo Roj ee waqooyi bari Suuriya, iyo, si adag, xarumaha ay maamulaan Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya ee ay ku xiran yihiin kumanaan dagaalyahanno Daacish ah, laakiin gargaarkani ma sii jiri karo weligiis.”

“Mareykanka waxa uu muddo fog dusha u ritay culeeskan. Ugu dambayntii, xeryuhu ma sii ahaan karaan mas’uuliyad maaliyadeed oo toos ah oo uu bixiyo Mareykanka,” ayay tiri danjire Shea.

“Sidaas darteed, waxaan sii wadeynaa in aan ku boorrino waddamada in ay si degdeg ah u soo ceshadaan muwaadiniintooda barakacayaasha ah iyo kuwa xiran ee ku haray gobolka.”

“Waxaan sidoo kale ognahay in Qaramada Midoobay ay heshay oggolaansho ah in dib loo billaabo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo iyadoo loo marayo marinka Bab al-Hawa, waxaana sii wadi doona dhiirrigelinta in gargaarku noqdo mid joogto ah.”

“Waxaan weli si dhow ula xiriireynaa xulafadayada iyo saaxiibadayada,” ayay tiri Danjire Shea, “waxaanna ku nuuxnuuxsaneynaa muhiimadda ay leedahay in xasillooni laga helo Suuriya si aan dalkeenna iyo gobolka uga dhigno mid ammaan ah.”

XS
SM
MD
LG