Accessibility links

Breaking News

China oo si wadajir ah loo wajahayo


USA-BLINKEN/ASIA
USA-BLINKEN/ASIA

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay masraxa caalamka ka noqotay mid wax khasbeysa oo aad u gardarro badan, haddii ay ahaan laheyd gobolka ama wixi kasii shisheeya siyaabo kala duwan,” sidaa waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ka hadlayay munaasabadda taxanaha casharrada xuska Fran Eizenstat iyo Qoyska Eizenstat.

Mareykanka wuxuu Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ku wajahayaa saddex waji: Tartan, Iskaashi iyo kasoo-horjeedid. Xoghaye Blinken ayaa carrabka ku dhajiyay oo yiri “Aad ayaan uga wanaagsannahay oo aad iyo aad ayaan ugu waxtar badannahay la calaaqtamidda Shiinaha mid kasto oo ka mid ah dhinacyadaas, haddii aan la kaashanno oo aan iskala shaqeyno xulufaddeenna iyo bah-wadaagteenna.”

“Mid ka mid ah sababaha aan in badan u maal-gashannay bacriminta ama soo nooleynta isbaheysigeenna,

dib u soo noolaynta iskaashigeena, iyo dib u soo noolaynta hawlgelintayada hay'adaha caalamiga ah waa in aan hubinno in la macaamilka Shiinaha, aan si wadajir ah u sameyneyno. Isugeynta miisaankeenna ayaa ah mid aad uga farqi-weyn kana waxtar badan marka aan si kali ah ku howlgaleyno, xittaa Mareykanka.”

Wadashaqeynta xulufada ayaa si gaar ah muhiim ugu ah inuu yabooho baddalka mashaariicda hagarta ah ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha gaar ahaan Hindisaha dhismaha waddooyinka iyo khadadka tareennada. Heshiisyadaasi kaabayaasha dhaqaalaha ayaa noqday kuwo shabaqa ku riday dalal badan oo caalamka ah, ayuu yiri xoghaye Blinken:

“Mid ka mid ah dhibaatooyinka ayaa ah. . .Waxaan aragnay marka loo fiiriyo qaabka ay ku socoto maalgelintaasi kaabayaasha dhaqaalaha, in ay iska tahay in waddamada loo soo jiido deymo baaxad weyn oo aysan awoodin in ay iska magan oo aysan ka bixi karin. Taasi waxay markaasi ka dhigeysaa in dalalkaasi ay deynta celiyaan ama ay kheyraadkooda qeybo ka mid ah dhaqaalaha u weeciyaan ama in ay qaamoobaan oo ay hantidooda yeelato Shiinaha.”

Inta badan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa keensata shaqaalaheeda si ay u dhisaan mashaariicdaasi kaabayaasha, waxana ay qaadanayaan kharajki la siin lahaa shaqaalaha gudaha. Shaqaalaha Shiinaha mararka qaar waxay wajahaan xaaladdo khatar ah, ma helaan xuquuq ay isku abaabulaan, waxana ay baylah u yihiin in lagu khasbo shaqo aysan rabin. Mararka qaar waxay u dhisaan mashaariicda habab aanan waaqfaqsaneyn deegaanka.

Mareykanka iyo isbaheysigiisa oo ka jawaabaya, ayaa dhaqaajiyay mashruuca loogu magac-daray Dib u dhiska Wanaagsan ee Dunida, kaasoo oo ay bah-wadaag ku yihiin dalalka G7 iyo kuwo kale. Waa hab loogu sameeyo maalgeshi heer sare kaabayaasha dhaqaalaha ee dunida, waana hab ugu danbeyntii soo jiidanaya dadyooga.

Mareykanka waxaa ka go'an inuu la shaqeeyo xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisa si ula falgalaan Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, marka loo baahdo iyo marka ay suurtagalka tahay.

XS
SM
MD
LG