Accessibility links

Breaking News

Coalaadda kasoo cusboonaatay Itoobiya


FILE - Ethiopian government soldiers ride in the back of a truck on a road near Agula, north of Mekelle, in the Tigray region of northern Ethiopia on May 8, 2021.
FILE - Ethiopian government soldiers ride in the back of a truck on a road near Agula, north of Mekelle, in the Tigray region of northern Ethiopia on May 8, 2021.

Bishii Maarso, Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, TPLF, waxay si wadajir ah u sameeyeen xabbad-joojin bini'aadantinimo oo muddo shan bilood ah hoos u dhigtay rabshadaha waxayna oggolaadeen gargaar bini'aadantinimo oo lagu badbaadinayo dadka gobollada muhiimka ah ee Itoobiya.

Xabbad-joojintaas, ayaa rajadii laga qabay inay soo af-jartoo colaadda arxan-darrada ah.

Rajadaas ayaa hoos u dhacday markii uu dagaalku mar kale ka qarxay xadka u dhexeeya gobollada Tigreega iyo Axmaarada Ogosto 23. Labada dhinacba waxay ku eedeeyeen kan kale inuu mas'uul ka yahay dagaalka.

Colaadda u dhaxaysa dawladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa soo bilaawday ku dhawaad laba sano ka hor, waxaana lagu qiyaasay [Jaamacadda Ghent] in inta u dhaxaysa 50,000 ilaa 100,000 oo qof ay ku dhinteen dagaallada ka socda waddan ay muddo saddex sano ah halakeeyeen abaaro ba’an iyo cunto aan ku filnayn.

Sida laga soo xigtay Barnaamijka Cunnada Adduunka, in ka badan kala bar 5.5 milyan oo qof oo Tigray ah ayaa “aad ugu baahan” cunto gargaar ah.

Maraykanku waa ka ugu badan ee gacan ka geysta gargaarka bini'aadantinimo ee Itoobiya, taasoo ka tarjumaysa, sida uu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken, "waxaa naga go'an inaan gaarno dhammaan gobollada iyo dadka Itoobiya ee u baahan."

Sannadkii hore ayuu xusay in Maraykanku uu ku dhawaad 1.2 bilyan oo dhinaca horumarinta iyo gargaarka bini’aadantinimo u fidiyey shacabka Itoobiya guud ahaan dalka, taas oo lagu taageerayo gurmadka abaaraha, sugnaanta cuntada, nabad-dhisidda, caafimaadka, wareejinta tignoolajiyada waxbarashada iyo tababarrada.

War qoraal ah oo uu soo saaray, Xoghaye Blinken wuxuu ka xumaaday colaadaha soo cusboonaaday.

“Daandaansiyadii ugu dambeeyay ee ka dhacayay goobta dagaalka, hadal-haynno colaadeed, iyo la'aanta xabbad-joojin waarta… waxay dib u dhigayaan abuuritaanka geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo gaaro horumar amni iyo barwaaqo u ah dhammaan Itoobiya. Ku soo noqoshada iskahorimaadyada firfircoon waxay keeni doontaa silic baahsan, xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah, iyo dhibaatooyin dhaqaale oo dheeraad ah," ayuu yidhi.

Xoghaye Blinken waxa uu xusay ogolaanshaha ay dawladda Itoobiya samaynayso koox wada-xaajood ah iyo sida ay sheegtay inay doonayso inay wadahadal la gasho.
"Waxaan ka codsaneynaa dhammaan dhinacyada," ayuu yiri, "inay ixtiraamaan bixinta cuntada iyo shidaalka ee jilayaasha bini'aadantinimada oo ay ka fogaadaan militariga gargaarka bani'aadamnimada iyo inay ka shaqeeyaan soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee kuwa u baahan." Xoghaye Blinken ayaa ugu baaqay dawladda Itoobiya iyo kooxda TPLF “inay laba jibaaraan dadaallada lagu horumarinayo wada-hadallada si loo gaaro xabbad-joojin waarta iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin oo ugu dambayntii loo soo afjaro colaadda.

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida Mareykanka.

XS
SM
MD
LG